Noble Quran » soomaali » Sorah Qaf ( The Letter Qaf )
Choose the reader
soomaali
Sorah Qaf ( The Letter Qaf ) - Verses Number 45
ق ۚ وَالْقُرْآنِ الْمَجِيدِ ( 1 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 1](style/default/icons/mp3.png)
Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).
بَلْ عَجِبُوا أَن جَاءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ فَقَالَ الْكَافِرُونَ هَٰذَا شَيْءٌ عَجِيبٌ ( 2 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 2](style/default/icons/mp3.png)
Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh.
أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا ۖ ذَٰلِكَ رَجْعٌ بَعِيدٌ ( 3 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 3](style/default/icons/mp3.png)
Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog.
قَدْ عَلِمْنَا مَا تَنقُصُ الْأَرْضُ مِنْهُمْ ۖ وَعِندَنَا كِتَابٌ حَفِيظٌ ( 4 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 4](style/default/icons/mp3.png)
Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan.
بَلْ كَذَّبُوا بِالْحَقِّ لَمَّا جَاءَهُمْ فَهُمْ فِي أَمْرٍ مَّرِيجٍ ( 5 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 5](style/default/icons/mp3.png)
Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan.
أَفَلَمْ يَنظُرُوا إِلَى السَّمَاءِ فَوْقَهُمْ كَيْفَ بَنَيْنَاهَا وَزَيَّنَّاهَا وَمَا لَهَا مِن فُرُوجٍ ( 6 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 6](style/default/icons/mp3.png)
Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn.
وَالْأَرْضَ مَدَدْنَاهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَاسِيَ وَأَنبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ بَهِيجٍ ( 7 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 7](style/default/icons/mp3.png)
Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan.
تَبْصِرَةً وَذِكْرَىٰ لِكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ ( 8 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 8](style/default/icons/mp3.png)
Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah.
وَنَزَّلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً مُّبَارَكًا فَأَنبَتْنَا بِهِ جَنَّاتٍ وَحَبَّ الْحَصِيدِ ( 9 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 9](style/default/icons/mp3.png)
Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta,
وَالنَّخْلَ بَاسِقَاتٍ لَّهَا طَلْعٌ نَّضِيدٌ ( 10 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 10](style/default/icons/mp3.png)
Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
رِّزْقًا لِّلْعِبَادِ ۖ وَأَحْيَيْنَا بِهِ بَلْدَةً مَّيْتًا ۚ كَذَٰلِكَ الْخُرُوجُ ( 11 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 11](style/default/icons/mp3.png)
Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay.
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَأَصْحَابُ الرَّسِّ وَثَمُودُ ( 12 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 12](style/default/icons/mp3.png)
Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud.
وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ وَإِخْوَانُ لُوطٍ ( 13 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 13](style/default/icons/mp3.png)
Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii).
وَأَصْحَابُ الْأَيْكَةِ وَقَوْمُ تُبَّعٍ ۚ كُلٌّ كَذَّبَ الرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ ( 14 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 14](style/default/icons/mp3.png)
Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii).
أَفَعَيِينَا بِالْخَلْقِ الْأَوَّلِ ۚ بَلْ هُمْ فِي لَبْسٍ مِّنْ خَلْقٍ جَدِيدٍ ( 15 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 15](style/default/icons/mp3.png)
Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta).
وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِ نَفْسُهُ ۖ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ الْوَرِيدِ ( 16 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 16](style/default/icons/mp3.png)
Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta.
إِذْ يَتَلَقَّى الْمُتَلَقِّيَانِ عَنِ الْيَمِينِ وَعَنِ الشِّمَالِ قَعِيدٌ ( 17 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 17](style/default/icons/mp3.png)
Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida.
مَّا يَلْفِظُ مِن قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ ( 18 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 18](style/default/icons/mp3.png)
Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori).
وَجَاءَتْ سَكْرَةُ الْمَوْتِ بِالْحَقِّ ۖ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنْهُ تَحِيدُ ( 19 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 19](style/default/icons/mp3.png)
Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay.
وَنُفِخَ فِي الصُّورِ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمُ الْوَعِيدِ ( 20 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 20](style/default/icons/mp3.png)
Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan).
وَجَاءَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَّعَهَا سَائِقٌ وَشَهِيدٌ ( 21 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 21](style/default/icons/mp3.png)
Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi.
لَّقَدْ كُنتَ فِي غَفْلَةٍ مِّنْ هَٰذَا فَكَشَفْنَا عَنكَ غِطَاءَكَ فَبَصَرُكَ الْيَوْمَ حَدِيدٌ ( 22 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 22](style/default/icons/mp3.png)
Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay.
وَقَالَ قَرِينُهُ هَٰذَا مَا لَدَيَّ عَتِيدٌ ( 23 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 23](style/default/icons/mp3.png)
Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray).
أَلْقِيَا فِي جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٍ ( 24 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 24](style/default/icons/mp3.png)
Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis.
مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ مُّرِيبٍ ( 25 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 25](style/default/icons/mp3.png)
Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah.
الَّذِي جَعَلَ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ فَأَلْقِيَاهُ فِي الْعَذَابِ الشَّدِيدِ ( 26 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 26](style/default/icons/mp3.png)
Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran.
قَالَ قَرِينُهُ رَبَّنَا مَا أَطْغَيْتُهُ وَلَٰكِن كَانَ فِي ضَلَالٍ بَعِيدٍ ( 27 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 27](style/default/icons/mp3.png)
Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa.
قَالَ لَا تَخْتَصِمُوا لَدَيَّ وَقَدْ قَدَّمْتُ إِلَيْكُم بِالْوَعِيدِ ( 28 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 28](style/default/icons/mp3.png)
Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii.
مَا يُبَدَّلُ الْقَوْلُ لَدَيَّ وَمَا أَنَا بِظَلَّامٍ لِّلْعَبِيدِ ( 29 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 29](style/default/icons/mp3.png)
Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada.
يَوْمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ امْتَلَأْتِ وَتَقُولُ هَلْ مِن مَّزِيدٍ ( 30 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 30](style/default/icons/mp3.png)
Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin.
وَأُزْلِفَتِ الْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ غَيْرَ بَعِيدٍ ( 31 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 31](style/default/icons/mp3.png)
Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn.
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٍ ( 32 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 32](style/default/icons/mp3.png)
Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka).
مَّنْ خَشِيَ الرَّحْمَٰنَ بِالْغَيْبِ وَجَاءَ بِقَلْبٍ مُّنِيبٍ ( 33 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 33](style/default/icons/mp3.png)
Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan.
ادْخُلُوهَا بِسَلَامٍ ۖ ذَٰلِكَ يَوْمُ الْخُلُودِ ( 34 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 34](style/default/icons/mp3.png)
Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee.
لَهُم مَّا يَشَاءُونَ فِيهَا وَلَدَيْنَا مَزِيدٌ ( 35 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 35](style/default/icons/mp3.png)
Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado.
وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هُمْ أَشَدُّ مِنْهُم بَطْشًا فَنَقَّبُوا فِي الْبِلَادِ هَلْ مِن مَّحِيصٍ ( 36 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 36](style/default/icons/mp3.png)
Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto.
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى السَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ ( 37 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 37](style/default/icons/mp3.png)
Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo.
وَلَقَدْ خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ وَمَا مَسَّنَا مِن لُّغُوبٍ ( 38 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 38](style/default/icons/mp3.png)
Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin.
فَاصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ ( 39 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 39](style/default/icons/mp3.png)
Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor.
وَمِنَ اللَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَأَدْبَارَ السُّجُودِ ( 40 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 40](style/default/icons/mp3.png)
Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed.
وَاسْتَمِعْ يَوْمَ يُنَادِ الْمُنَادِ مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ ( 41 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 41](style/default/icons/mp3.png)
Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw.
يَوْمَ يَسْمَعُونَ الصَّيْحَةَ بِالْحَقِّ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمُ الْخُرُوجِ ( 42 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 42](style/default/icons/mp3.png)
Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda.
إِنَّا نَحْنُ نُحْيِي وَنُمِيتُ وَإِلَيْنَا الْمَصِيرُ ( 43 )
![Qaf ( The Letter Qaf ) - Ayaa 43](style/default/icons/mp3.png)
Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan.
Random Books
- Rukniga sedaxaadRukniga sedaxaad
Formation : عمادة البحث العلمي بالجامعة الإسلامية
Translators : عبد القادر حسين طحلو
From issues : www.iu.edu.sa
Source : http://www.islamhouse.com/p/457
- SOONKA, TARAA WIIXDA IYO SAKADA-
Formation : Cabdulcasiis Xasan Yacquub
Source : http://www.islamhouse.com/p/339624
- INKA BADAN 1000 SUNO MAALINTII IYO HABEENKII-
Translators : C/Qaadir sh.max,ed akhii
Source : http://www.islamhouse.com/p/339558
- Xeerarka tajwiidka Qur’aankaXeerarka qurxinta aqriska Qur’aanka, أحكام تجويد القرآن waxaan u qoray Soomaalida jecel iney bartaan, rabana inay u sii gudbiyaan caruurtooda.
Source : http://www.islamhouse.com/p/61670
- Siduu u tukan jirey Nebiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo koobanSiduu u tukan jirey Nebiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo kooban
Source : http://www.islamhouse.com/p/172225