soomaali - Sorah An-Najm ( The Star )

Noble Quran » soomaali » Sorah An-Najm ( The Star )

Choose the reader


soomaali

Sorah An-Najm ( The Star ) - Verses Number 62
وَالنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ ( 1 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 1
Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto.
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ ( 2 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 2
Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan.
وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَىٰ ( 3 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 3
Kumana hadlo hawadiisa.
إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَىٰ ( 4 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 4
quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha.
عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَىٰ ( 5 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 5
Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil).
ذُو مِرَّةٍ فَاسْتَوَىٰ ( 6 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 6
Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay.
وَهُوَ بِالْأُفُقِ الْأَعْلَىٰ ( 7 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 7
Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil).
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ ( 8 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 8
Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga).
فَكَانَ قَابَ قَوْسَيْنِ أَوْ أَدْنَىٰ ( 9 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 9
Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw.
فَأَوْحَىٰ إِلَىٰ عَبْدِهِ مَا أَوْحَىٰ ( 10 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 10
Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.
مَا كَذَبَ الْفُؤَادُ مَا رَأَىٰ ( 11 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 11
Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu).
أَفَتُمَارُونَهُ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ ( 12 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 12
Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay.
وَلَقَدْ رَآهُ نَزْلَةً أُخْرَىٰ ( 13 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 13
Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale.
عِندَ سِدْرَةِ الْمُنتَهَىٰ ( 14 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 14
Sidratul-Muntaha agteeda.
عِندَهَا جَنَّةُ الْمَأْوَىٰ ( 15 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 15
Agteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa.
إِذْ يَغْشَى السِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ ( 16 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 16
(Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola.
مَا زَاغَ الْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ ( 17 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 17
Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin.
لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ آيَاتِ رَبِّهِ الْكُبْرَىٰ ( 18 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 18
Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn.
أَفَرَأَيْتُمُ اللَّاتَ وَالْعُزَّىٰ ( 19 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 19
Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza.
وَمَنَاةَ الثَّالِثَةَ الْأُخْرَىٰ ( 20 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 20
Iya Manaatadii saddexaad ee kale.
أَلَكُمُ الذَّكَرُ وَلَهُ الْأُنثَىٰ ( 21 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 21
Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga.
تِلْكَ إِذًا قِسْمَةٌ ضِيزَىٰ ( 22 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 22
Taasi waa qayb dulan ah.
إِنْ هِيَ إِلَّا أَسْمَاءٌ سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَاؤُكُم مَّا أَنزَلَ اللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَانٍ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَمَا تَهْوَى الْأَنفُسُ ۖ وَلَقَدْ جَاءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ الْهُدَىٰ ( 23 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 23
Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun.
أَمْ لِلْإِنسَانِ مَا تَمَنَّىٰ ( 24 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 24
Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan.
فَلِلَّهِ الْآخِرَةُ وَالْأُولَىٰ ( 25 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 25
Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh.
وَكَم مِّن مَّلَكٍ فِي السَّمَاوَاتِ لَا تُغْنِي شَفَاعَتُهُمْ شَيْئًا إِلَّا مِن بَعْدِ أَن يَأْذَنَ اللَّهُ لِمَن يَشَاءُ وَيَرْضَىٰ ( 26 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 26
Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo.
إِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ لَيُسَمُّونَ الْمَلَائِكَةَ تَسْمِيَةَ الْأُنثَىٰ ( 27 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 27
Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig.
وَمَا لَهُم بِهِ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ ۖ وَإِنَّ الظَّنَّ لَا يُغْنِي مِنَ الْحَقِّ شَيْئًا ( 28 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 28
Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro.
فَأَعْرِضْ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكْرِنَا وَلَمْ يُرِدْ إِلَّا الْحَيَاةَ الدُّنْيَا ( 29 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 29
Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn.
ذَٰلِكَ مَبْلَغُهُم مِّنَ الْعِلْمِ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اهْتَدَىٰ ( 30 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 30
Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.
وَلِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ لِيَجْزِيَ الَّذِينَ أَسَاءُوا بِمَا عَمِلُوا وَيَجْزِيَ الَّذِينَ أَحْسَنُوا بِالْحُسْنَى ( 31 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 31
Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag.
الَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَائِرَ الْإِثْمِ وَالْفَوَاحِشَ إِلَّا اللَّمَمَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ وَاسِعُ الْمَغْفِرَةِ ۚ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌ فِي بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ ۖ فَلَا تُزَكُّوا أَنفُسَكُمْ ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اتَّقَىٰ ( 32 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 32
Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane.
أَفَرَأَيْتَ الَّذِي تَوَلَّىٰ ( 33 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 33
Ka warrama midka xaqa ka jeedsaday.
وَأَعْطَىٰ قَلِيلًا وَأَكْدَىٰ ( 34 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 34
Oo wax ar bixiyay inta kalana reebtay.
أَعِندَهُ عِلْمُ الْغَيْبِ فَهُوَ يَرَىٰ ( 35 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 35
Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa.
أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ ( 36 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 36
Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse).
وَإِبْرَاهِيمَ الَّذِي وَفَّىٰ ( 37 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 37
Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray).
أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ( 38 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 38
Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin.
وَأَن لَّيْسَ لِلْإِنسَانِ إِلَّا مَا سَعَىٰ ( 39 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 39
Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin.
وَأَنَّ سَعْيَهُ سَوْفَ يُرَىٰ ( 40 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 40
Camalkiisana la arki doono.
ثُمَّ يُجْزَاهُ الْجَزَاءَ الْأَوْفَىٰ ( 41 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 41
Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda.
وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ الْمُنتَهَىٰ ( 42 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 42
Eebaa xaggiisana loo ahaan.
وَأَنَّهُ هُوَ أَضْحَكَ وَأَبْكَىٰ ( 43 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 43
Eebe waakan wax ka qosliya kana oohiya.
وَأَنَّهُ هُوَ أَمَاتَ وَأَحْيَا ( 44 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 44
Isagaana wax dila waxna nooleeya.
وَأَنَّهُ خَلَقَ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ ( 45 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 45
Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba.
مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ ( 46 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 46
Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday.
وَأَنَّ عَلَيْهِ النَّشْأَةَ الْأُخْرَىٰ ( 47 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 47
Isagaana ahaysiin soo celinta kale.
وَأَنَّهُ هُوَ أَغْنَىٰ وَأَقْنَىٰ ( 48 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 48
Eebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya.
وَأَنَّهُ هُوَ رَبُّ الشِّعْرَىٰ ( 49 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 49
Waana Eebaha xiddigga Shicra.
وَأَنَّهُ أَهْلَكَ عَادًا الْأُولَىٰ ( 50 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 50
Eebe isagaa halaagay Caadkii hore.
وَثَمُودَ فَمَا أَبْقَىٰ ( 51 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 51
Iyo Thamuudba waxna kama reebin.
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا هُمْ أَظْلَمَ وَأَطْغَىٰ ( 52 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 52
(Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan.
وَالْمُؤْتَفِكَةَ أَهْوَىٰ ( 53 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 53
Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe).
فَغَشَّاهَا مَا غَشَّىٰ ( 54 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 54
Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah).
فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ ( 55 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 55
Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow.
هَٰذَا نَذِيرٌ مِّنَ النُّذُرِ الْأُولَىٰ ( 56 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 56
Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
أَزِفَتِ الْآزِفَةُ ( 57 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 57
Wayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame.
لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ اللَّهِ كَاشِفَةٌ ( 58 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 58
Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici).
أَفَمِنْ هَٰذَا الْحَدِيثِ تَعْجَبُونَ ( 59 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 59
Ma quraankanaad la yaabantihiin.
وَتَضْحَكُونَ وَلَا تَبْكُونَ ( 60 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 60
Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed).
وَأَنتُمْ سَامِدُونَ ( 61 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 61
Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn).
فَاسْجُدُوا لِلَّهِ وَاعْبُدُوا ۩ ( 62 ) An-Najm ( The Star ) - Ayaa 62
Ee dadow Eebe u sujuuda caabudana.

Random Books

Choose language

Choose Sorah

Random Books

Choose tafseer

Participate

Bookmark and Share