soomaali - Sorah Al-Ma'arij (The Ways of Ascent )

Noble Quran » soomaali » Sorah Al-Ma'arij (The Ways of Ascent )

Choose the reader


soomaali

Sorah Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Verses Number 44
سَأَلَ سَائِلٌ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ ( 1 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 1
Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).
لِّلْكَافِرِينَ لَيْسَ لَهُ دَافِعٌ ( 2 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 2
Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.
مِّنَ اللَّهِ ذِي الْمَعَارِجِ ( 3 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 3
Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.
تَعْرُجُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ إِلَيْهِ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ ( 4 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 4
Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.
فَاصْبِرْ صَبْرًا جَمِيلًا ( 5 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 5
Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.
إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُ بَعِيدًا ( 6 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 6
Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.
وَنَرَاهُ قَرِيبًا ( 7 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 7
Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.
يَوْمَ تَكُونُ السَّمَاءُ كَالْمُهْلِ ( 8 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 8
Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.
وَتَكُونُ الْجِبَالُ كَالْعِهْنِ ( 9 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 9
Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.
وَلَا يَسْأَلُ حَمِيمٌ حَمِيمًا ( 10 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 10
Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.
يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ الْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِي مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍ بِبَنِيهِ ( 11 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 11
Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.
وَصَاحِبَتِهِ وَأَخِيهِ ( 12 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 12
Haweenaydiisa, Walaalkiis.
وَفَصِيلَتِهِ الَّتِي تُؤْوِيهِ ( 13 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 13
iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.
وَمَن فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا ثُمَّ يُنجِيهِ ( 14 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 14
iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.
كَلَّا ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ ( 15 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 15
Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).
نَزَّاعَةً لِّلشَّوَىٰ ( 16 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 16
Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).
تَدْعُو مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ ( 17 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 17
Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.
وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰ ( 18 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 18
Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).
إِنَّ الْإِنسَانَ خُلِقَ هَلُوعًا ( 19 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 19
Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.
إِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ جَزُوعًا ( 20 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 20
Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.
وَإِذَا مَسَّهُ الْخَيْرُ مَنُوعًا ( 21 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 21
Hadduu khayr helana wuu reebaa.
إِلَّا الْمُصَلِّينَ ( 22 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 22
Marka laga reebo Muslimiinta tukata.
الَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَائِمُونَ ( 23 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 23
Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima.
وَالَّذِينَ فِي أَمْوَالِهِمْ حَقٌّ مَّعْلُومٌ ( 24 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 24
Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.
لِّلسَّائِلِ وَالْمَحْرُومِ ( 25 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 25
Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.
وَالَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ الدِّينِ ( 26 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 26
Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).
وَالَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ ( 27 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 27
Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.
إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍ ( 28 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 28
Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.
وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ ( 29 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 29
Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.
إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ ( 30 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 30
30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.
فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ ( 31 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 31
Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.
وَالَّذِينَ هُمْ لِأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُونَ ( 32 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 32
Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.
وَالَّذِينَ هُم بِشَهَادَاتِهِمْ قَائِمُونَ ( 33 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 33
Kuwa maraggooda si fiican u furay.
وَالَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ ( 34 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 34
Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).
أُولَٰئِكَ فِي جَنَّاتٍ مُّكْرَمُونَ ( 35 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 35
Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.
فَمَالِ الَّذِينَ كَفَرُوا قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ ( 36 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 36
Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).
عَنِ الْيَمِينِ وَعَنِ الشِّمَالِ عِزِينَ ( 37 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 37
Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.
أَيَطْمَعُ كُلُّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ ( 38 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 38
Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.
كَلَّا ۖ إِنَّا خَلَقْنَاهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ ( 39 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 39
Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.
فَلَا أُقْسِمُ بِرَبِّ الْمَشَارِقِ وَالْمَغَارِبِ إِنَّا لَقَادِرُونَ ( 40 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 40
Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.
عَلَىٰ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ ( 41 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 41
Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.
فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا وَيَلْعَبُوا حَتَّىٰ يُلَاقُوا يَوْمَهُمُ الَّذِي يُوعَدُونَ ( 42 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 42
Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.
يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ الْأَجْدَاثِ سِرَاعًا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍ يُوفِضُونَ ( 43 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 43
Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).
خَاشِعَةً أَبْصَارُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۚ ذَٰلِكَ الْيَوْمُ الَّذِي كَانُوا يُوعَدُونَ ( 44 ) Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Ayaa 44
Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).

Random Books

Choose language

Choose Sorah

Random Books

Choose tafseer

Participate

Bookmark and Share