soomaali - Sorah Al-Haaqqah ( The Inevitable )

Noble Quran » soomaali » Sorah Al-Haaqqah ( The Inevitable )

Choose the reader


soomaali

Sorah Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Verses Number 52
الْحَاقَّةُ ( 1 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 1
Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).
مَا الْحَاقَّةُ ( 2 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 2
Xaaqo maxay tahay.
وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْحَاقَّةُ ( 3 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 3
inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.
كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌ بِالْقَارِعَةِ ( 4 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 4
Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.
فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا بِالطَّاغِيَةِ ( 5 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 5
Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.
وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ ( 6 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 6
Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.
سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَانِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى الْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ ( 7 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 7
oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).
فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّن بَاقِيَةٍ ( 8 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 8
wax ka hadhay miyaad aragtaa.
وَجَاءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُ وَالْمُؤْتَفِكَاتُ بِالْخَاطِئَةِ ( 9 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 9
Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).
فَعَصَوْا رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً ( 10 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 10
Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.
إِنَّا لَمَّا طَغَى الْمَاءُ حَمَلْنَاكُمْ فِي الْجَارِيَةِ ( 11 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 11
Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.
لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَا أُذُنٌ وَاعِيَةٌ ( 12 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 12
si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.
فَإِذَا نُفِخَ فِي الصُّورِ نَفْخَةٌ وَاحِدَةٌ ( 13 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 13
Marka Suurka la afuufo hal mar.
وَحُمِلَتِ الْأَرْضُ وَالْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَاحِدَةً ( 14 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 14
Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
فَيَوْمَئِذٍ وَقَعَتِ الْوَاقِعَةُ ( 15 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 15
Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.
وَانشَقَّتِ السَّمَاءُ فَهِيَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ ( 16 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 16
Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
وَالْمَلَكُ عَلَىٰ أَرْجَائِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَانِيَةٌ ( 17 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 17
Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.
يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌ ( 18 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 18
Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.
فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ فَيَقُولُ هَاؤُمُ اقْرَءُوا كِتَابِيَهْ ( 19 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 19
Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.
إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَاقٍ حِسَابِيَهْ ( 20 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 20
Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.
فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ ( 21 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 21
wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.
فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ ( 22 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 22
Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa.
قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ ( 23 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 23
Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).
كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا أَسْلَفْتُمْ فِي الْأَيَّامِ الْخَالِيَةِ ( 24 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 24
Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).
وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِشِمَالِهِ فَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُوتَ كِتَابِيَهْ ( 25 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 25
Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga.
وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ ( 26 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 26
Xisaabtaydana maanan ogaanin.
يَا لَيْتَهَا كَانَتِ الْقَاضِيَةَ ( 27 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 27
Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday.
مَا أَغْنَىٰ عَنِّي مَالِيَهْ ۜ ( 28 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 28
Xoolahaygi wax iima tarin.
هَلَكَ عَنِّي سُلْطَانِيَهْ ( 29 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 29
Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).
خُذُوهُ فَغُلُّوهُ ( 30 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 30
Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.
ثُمَّ الْجَحِيمَ صَلُّوهُ ( 31 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 31
Naarta Jahannamada geliya.
ثُمَّ فِي سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَاسْلُكُوهُ ( 32 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 32
Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.
إِنَّهُ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِاللَّهِ الْعَظِيمِ ( 33 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 33
maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ الْمِسْكِينِ ( 34 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 34
aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.
فَلَيْسَ لَهُ الْيَوْمَ هَاهُنَا حَمِيمٌ ( 35 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 35
Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.
وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنْ غِسْلِينٍ ( 36 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 36
Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».
لَّا يَأْكُلُهُ إِلَّا الْخَاطِئُونَ ( 37 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 37
Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).
فَلَا أُقْسِمُ بِمَا تُبْصِرُونَ ( 38 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 38
Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).
وَمَا لَا تُبْصِرُونَ ( 39 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 39
iyo waxaydaan arkayninba.
إِنَّهُ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ ( 40 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 40
ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تُؤْمِنُونَ ( 41 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 41
Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).
وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ ( 42 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 42
Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.
تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ ( 43 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 43
(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.
وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ الْأَقَاوِيلِ ( 44 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 44
Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).
لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِالْيَمِينِ ( 45 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 45
Waxaanu ku qaban gacan adag.
ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ الْوَتِينَ ( 46 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 46
Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.
فَمَا مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَاجِزِينَ ( 47 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 47
Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.
وَإِنَّهُ لَتَذْكِرَةٌ لِّلْمُتَّقِينَ ( 48 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 48
Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.
وَإِنَّا لَنَعْلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ ( 49 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 49
Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka).
وَإِنَّهُ لَحَسْرَةٌ عَلَى الْكَافِرِينَ ( 50 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 50
Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).
وَإِنَّهُ لَحَقُّ الْيَقِينِ ( 51 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 51
Qur'aanka waa run dhab ah.
فَسَبِّحْ بِاسْمِ رَبِّكَ الْعَظِيمِ ( 52 ) Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Ayaa 52
Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.

Random Books

Choose language

Choose Sorah

Random Books

Choose tafseer

Participate

Bookmark and Share